Xubinnimada Xisbiga

  1. Xubinnimada Xisbiga Himilo Qaran waxa ay u furan tahay qof kasta oo Soomali ah oo buuxiya shuruudaha xubinnimada Xisbiga.
  2. Xubinnimada xisbigu ku ma xirna deegaan, hayb gaar ah, dariiqo diineed, iyo jinsi toonna.

Shuruudaha Xubinnimada

Xisbiga Himilo Qaran waxaa xubin ka noqon kara dhammaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee soo buuxiya shuruudaha hoos ku qoran:
  1. Waa in uu yahay Soomaali.
  2. Da’diisu gaartay 18 sanadood.
  3. Aaminsan yahay mabaadii’da, ujeeddooyinka, xeerka iyo barnaamijka Xisbiga diyaarna u yahay fulinta go’aannada Golayaasha Xisbiga.
  4. Leeyahay hab-dhaqan wanaagsan kana fog yahay dhaqannada xunxun.
  5. In uu sumcad fiican ku dhex leeyahay bulshada.
  6. In uusan khatar ku ahayn diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed diyaarna u yahay in uu guto waajibaadka qaran ee laga rabo muwaaddin kasta.
  7. In uu diyaar u yahay bixinta qaaraanka Xisbiga sida uu qeexayo xeer-hoosaadka maaliyadda Xisbiga.
  8. In uu buuxiyo foomka diiwaangelinta Xisbiga.
  9. In uusan ka soo mid noqon urur xagjir ah, maxkamadina aysan ku xukumin ciqaab dheer.
  10. In uusan ka mid ahayn xisbi-siyaasadeed kale oo dalka ka jira, ama ururro leh aragtiyo iyo ujeeddooyin ka soo horjeeda kuwa Xisbiga.
  11. In uu bixiyo khidmada xubinimada Xisbiga.

Waxaan caddaynayaa in aan akhriyay aqbalayna shuruudaha Xisbiga Himilo Qaran ee kor ku xusan